Muqdisho, 13 December, 205 (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta sheegay in dhammaan doorashooyinka mustaqbalka lagu codeyn doono kaarka codbixinta ee hadda la bixinayo, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam doorasho oo mideysan, hufan, isla markaana casri ah.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, halkaas oo uu maanta ka qaatay kaarkiisa codbixinta, xilli ay socoto qaadashada kaararka doorashada ee loogu talagalay golayaasha deegaanka ee la qorsheeyay in la qabto 25-ka December 2025. “Doorashooyinka kale ee soo socda waxaa lagu codeyn doonaa isla kaarka codbixinta hadda la bixinayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo tilmaamay in dowladda iyo guddiga doorashooyinka ay wadaan dadaal lagu dhisayo nidaam doorasho oo isku xiran oo dalka oo dhan laga hirgelinayo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ammaanay hanaanka diiwaangelinta ee ka socda qeybo ka mid ah gobolka Banaadir, isagoo sheegay in nidaamkan uu muhiim u yahay dhismaha dowladnimada, xaqiijinta codka shacabka, iyo kalsooni-dhiska hay’adaha dowladda.






