Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo khudbaddiisa kusoo qaatay khilaafka badda ee kala dhexeeya Itoobiya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.
Xasan Sheekh oo ka jawaabayay hadalkii Abiy Axmed ee ahaa in Soomaaliya ay lacago badan ku kharash gareysay dawcwaynta Itoobiya ayaa yiri; " Dowladda Itoobiya iyada caalamka wareegeysa, iyada oo ka carareysa khaladkii ay gashay ee diblumaasiyadeed iyo kii xeerarka caalamiga ah ee dunida il-baxa ah ay ku dhaqanto maanta" .
Madaxweyne Xasan waxa uu Itoobiya ku eedeyay inay ku xad gudubtay deris wanaagii, welina ay ka caga jiidayso in ay saxdo khaldkii ay gashay " Shalay Iyada (Itoobiya ) ayaa jebisay deris wanaagii iyo ku dhaqankii qaanuunka caalmiga ah, maantana iyada weli diidan inaan ku noqono waddadaas saxda"
Xasan ayaa intaas ku daray in Itoobiya aysan weligeed Soomaaliya ka codsanin inay kawada hadlaan arrimaha maanta taagan si xal looga gaaro taas bedelkeena ay dooratay inay usoo marto wadamo kale si ay ula heshiisiiyaan Soomaaliya.
Dhanka kale, waxa uu Madaxweyne Xasan caddeeyay in Soomaaliya aysan ahayn dowladda billoowday xad gudubka ama diidan in la heshiiyo "Soomaaliya ma aha midda xad gudubtay, ama diidan heshiis. Xaalka Itoobiya waa “ Hasha iyadaa cuneysa, oo cabaadeysa”



