Washington (Dawan)- War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken in ay kuwada hadlen qadka telefonka (lama sheegin xilliga).
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Antony Blinken ayaa kawada xaajooday arrimaha amniga Geeska Afrika oo ay ku jirto baahida loo qabo in la yareeyo xiisadda ka taagan gobolka, in diiradda la saaro la dagaallanka argagixisada, iyo dhameystirka qorshaha bixitaanka howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).



