Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin Dowlad awood u leh in dhulka dad kale xoog ku qaadato xilliga la joogo, isaga oo tusaale usoo qaatay sida Ruushku uusan weli uga libin keenin dagaalka uu ku qaaday Ukraine.
Xasan Sheekh ayaa hadalkaan ku sheegay Wareysi uu siiyay Kanaalka Al-Carabiya xilli uu ku sugnaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar, isaga oo yiri, " Cidina xaq uma laha in ay dhul iska qabsato kadibna dhulkeeda ku darsato qarniga 21-aad"
Mar wax laga weydiiyay sida ay Soomaaliya uga hortegeyso tallaabada ay qaaday Itoobiya, waxa uu sheegay in Soomaaliya ka mid tahay Jaamcadda Carabta sidaasna ay ku yeelaneyso xaqa ah in ay hesho in la difaaco amnigeeda iyo madax bannaanideda.
"Soomaaliya waa xubin ka mid ah Jaamacadda Carabta, waxayna xaq u leedahay inay hesho taageero wadajir ah oo ay isku difaacdo" ayuu yiri, Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray in uu ka codsaday Dowladda Masar in ay taageerto Soomaaliya " Maadaama Masar ay tahay dalka ugu weyn dalalka Carabta, waxaan ka codsaday in aan ka helno taageero haddii loo baahdo"
Waxa uuna raaciyay " Haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyikna waalida ah, waxaan u baahnaa doonaa taagerada cid kasta"
Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay tallaabada ay qaaday Itoobiya in ay ka dhigantahay in asyan wax ixtiraam ah u haynin xeerarka adduunka sidoo kalena aysan aqoonsanayn madax bannaanida Dowladda Soomaaliya, isaga oo yiri, " Itoobiya tallaabada ay qaaday waxay ka dhigan tahay in aysan Dowladda Soomaaliya aqoonsanayn"
Madaxweyne Xasan ayaa meesha ka saaray inuu dhici karo wada hadal dhax mara Soomaaliya iyo Itoobiya si loo xalliyo khilaafka jira, wuxuuna sheegay in ay Itoobiya ku adkaysanayso inay dhul Soomaaliyeed qaadato, sidaas darteedna uusan jirin hanaan ay labada dhinac kuwada hadli karaan.
Madaxweynaha ayaa ka digay in Ciidamada Itoobiya ay kasoo gudbaan xudduuda labada dal si ay u qabsadaan dhul Soomaaliyeed, waxa uuna yiri " Haddii ciidamada Itoobiya ay ka soo tallaabaan xuduudka Soomaaliya si ay u qaataan taako ka mid ah dhulkeena, waxaa dhici doonta dhibaato weyn".





