Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Asmara, kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Madaxweynaha waxaa safarka ku wehliya wafdi uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi.
Booqashadan rasmiga ah oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Ereteriya, iyadoo laga wadahadli doono iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika.
"Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika" ayaa lagu yiri; qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Somalia.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane G. Meskel ayaa dhankiisa tilmaamay ajandaha shirka, isagoo sheegay in labada madaxweyne ay kawada xaajoon doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.







