Kuwait (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Kuwait si uu uga qeyb galo tacsida Amiirkii dalkaas ee geeriyooday.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka cusub ee dalka Kuwait Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida Shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Amiirkii Kuweyt Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax, sida ay Villa Somaliya sheegtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah mas'uuliyiin ka kala socotay caalamka kuwaas oo dalka Kuwait u tegay si ay uga tacsiyeeyaan geeriada Amiirkii dalkaas oo caan ku ahaa hoggaan dhax-dhaxaadnimo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay waayeen mid ka mid ah hoggaamiyayaashii ugu wanaagsanaa waayadaan kaas oo ugu adeegay dadkiisa iyo umadda Islaamka si caqli iyo miisaan leh.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu ugu hambalyeeyay Amiirka cusub ee Kuwait, Sheekh Mishcal Al-Axmad Al-Jaber xilka uu la wareegay isaga oo u rajeeyay inuu waafajiyo guul iyo horumar dan u ah Shacabka Kuwait.Dowladda Kawiat ayaa ku dhawaaqday subaxnimadii Sabtigii inuu geeriyooday Amiirkii dalkaas, Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaaber oo ahaa 86 jir, kadib maalmo uu xanuunsanaa.
Amiirka Kuwait ayaa galay Isbitaal bishii November si baaritaano iyo daaweynta lagama maarmaanka ah loogu sameeyo, waxeyna warbaahinta dalkaas soo warineysay maalmihii lasoo dhaafay inuu soo roonaaday.
Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-Jaaber ayaa loo magacaabay dhaxal sugaha Kuwait 2006, wuxuuna Amiirka dalkaas noqday 2020 kadib dhimashadii walaalkiis Sheekh Sabaax Al-Axmed Al-Jaaber.




