Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo lagu dilay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.
"Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey magaalada Muqdisho ee u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed" ayuu Madaxweyne Xasan kusoo qoray bartiisa Facebook.
Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaas, wuxuuna faray laamaha amniga in ay sameeyaan baaritaan degdeg ah, isaga oo ballan qaaday in tillaabdo adag laga qaadi doono cid kasta oo ka dambeysay falkaas
"Waxaan si ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena, anigoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku sameeyaan, waxaana balan qaadaynaa In talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan". ayuu raaciyay qoraalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabtu weli ma shaacin tirada rasmiga ah ee ku dhimatay is rasaaseynta caawa fiidkii ka dhacday xerada Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho balse wararka la helayo ayaa tilmaamaya in labo ka mid ah saraakiisha Imaaraadka Carabta oo qaabilsan dhanka tababarada in ay ku dhinteen rasaas uu ku furay askari ka mid ah ciidanka lagu tababarayay xeradaas
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in uu dhaawac soo gaaray laba kale halka askarigii xabbadda billaabay asna lagu dilay goobta.


