Muqdisho (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Villa Somaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasab Sheekh Maxamuud uu maanta safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eretria oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah Ciidamada Soomaaliya.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Xasan uu dhiggiisa dalkaas kala hadli doono iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea.
Madaxweyne Xasan ayaa bishii January ee lasoo dhaafay booqasho ku tegay Eritrea oo ay ku tababartaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Soomaaliya, waana marki lixaad ee uu booqdo Asmara tan iyo markii dib loo doortay 15 May 2022.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel ayaa bartiisa X kusoo qoray in Madaxweyne Isaias Afwerki uu martiqaad u fidiyay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo raaciyay in booqashada Xasan Sheekh ay qaadan doonto laba maalin.






