Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir guddoomiyay kulanka khamiislaha ee golaha wasiirada ayaa ka warbixiyay dagaalka iyo howlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanka dowladda ay ka wadeen maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
"Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada Khawaariijta laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.





