Dhuusamareeb (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad lasoo duubay u jeediyay shacabka ayaa sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin ku tagri falay awoodii la siiyay, iyaga oo sameeyay khiyaano ciidan iyo wax is daba marin.
“Waxaa la jooga xilligii kuwa awoodda ciidan la siiyay ku tagri falay ,khiyaanada sameeyay … waagii lala xiisaatbami lahaa billaawgeedi waa la joogaa, waana la isla xisaabtamayaa, dowladnimadu waa isla xisaabtan”.
Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in dagaalka lagula jiro xoogagga Al-shabaab sii socon doono inta laga xoreynaayo dalka oo idil, isaga oo caddeeyay in khasaaro dhimashao iyo dhaawac ba leh ka dhalanaayo haddii dagaal la galo.
“ Ama hal meel ha lagu guul darreysto, ama mid tashwiish wada wax ka sheego e, dagaalku waa soconayaa. Ma istaagaayo. Meelaha aan joogno kasoo noqon meyno. Hore ayaan u soconeynaa, guusha kama dambeysta ah ee aan raadinayno ayaan gaareynaa”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku faanay in ciidamada dowladdu maanta ka awood badanyihiin xoogaga Al-shabaab ayna ka tira badan yihiin sidaas darteedna ay ka guuleysan doonaan Al-shabaab.
“Intii hore waa ka waaya aragasanahay, waa ka tira badanahay, waa ka qalab badanahay, waana ka dhiirrananahy”
Madaxweynaha ayaa farriin gaar ah u diray ciidamada, isaga oo kula dardaarmay inaysan ka niyad jebin haddii khasaaro soo gaaro, wuxuuna dib u xusuusiyay guulaha ay hore usoo gaareen iyo goobaha ay ka xoreeyeen xoogaga Al-shabaab.





