Muqdisho, 20 December 2025 (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u sheegay in Villa Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dhageysato wixii aragti iyo go’aan ah ee ka soo baxa Shirka Kismaayo, isla markaana ay diyaar u yihiin wadahadal dhab ah oo u adeegaya masiirka umadda iyo dalka. Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka sheegay munaasabadda xuska 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta ka dhacday Muqdisho.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdu aysan diidaneyn is-faham iyo wadahadal siyaasadeed, balse ay muhiim tahay in doodaha lagu saleeyo wax cad oo dowladnimada horumar u ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xeerarka doorashooyinka, xeerka axsaabta, iyo dastuurka la ansixiyay ay yihiin saldhigga ay dowladdu ku taagan tahay.





