Riyaad (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika oo maanta lagu qabtay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxa uuna ka jeediyay khudbad kooban uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in iskaashi xooggan dhex maro Sacuudi iyo qaaradda Afrika.
Qoraal kooban oo ay baahisay Villa Somalia ayaa u qornaa sida soo socota.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.





