Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Telefeshinka TRT ayaa ka war bixiyey ahmiyadda heshiiska Sooomaaliya la gashay Turkiga ee badda iyo faa'iidada uu u leeyahay Soomaaliya marka la eego ilaalinta xeebaheeda.
Madaxweynaha oo ka jawaabayay su'aal ahayd kaalinta uu heshiiskaasn ka qaadan doono amniga Soomaaliya iyo xasiloonida Geeska Afrika, ayaa sheegay in heshiisku uu yahay mid isa saaran oo ah difaac iyo dhaqaale, waxa uuna tilmaamay in heshiiskaan uu Soomaaliya u leeyahay faa'iido badan oo ay ka mid tahay in ay iska difaacdo khataraha dibadda uga imaanaya, kallumeysiga sharci darrada ah iyo falalka argagixisada ah.
Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ku tiirsan taageerada Turkiga tan iyo 2011, iyada oo ay Dowladda Turkiga kaalin mug leh ka qaadatay sannadihi lasoo dhaafay in Soomaaliya ay kusoo laabato saaxadda caalamka.
Madaxweynaha ayaa yiri, "Turkigu wa dal istiraatiiji u ah diblomaasiyadda caalamka, sidoo kalena taageera dalalka Muslimka ee saboolka ah. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalkaas"


