Ankara (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan fool ka fool ah markii ugu horeysay tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo salka ku haya heshiis muran dhaliyay oo Itoobiya ay la gashay Somaliland.
Kulanka ayaa ka dhici doona magaalada Ankara, halkaas oo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu martigelinayo labada hoggaamiye, si loo soo afjaro xiisadda sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Erdoğan, oo xiriir dhow la leh labada dhinac, ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaadanaya wadaxaajoodka, si xal loogu helo muranka ku saabsan madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Khilaafka ayaa bilowday 1-dii Janaayo 2024, markii Itoobiya ay la saxiixatay Somaliland heshiis is-afgarad (MoU), kaas oo Itoobiya u oggolaanaya marin dekedeed, Halka uu Somalialnd u horseedi karo aqoonsi buuxa oo ay ka hesho Itoobiya. Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo baal marsan xeerarka caalmaiga kuna xad gudbaya madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.






