Addis Ababa (Dawan)- Bangiga Dhexe ee Itoobiya, ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u mamnuucay adeegyada xawaaladda Taaj, kaddib markii shirkaddan lagu daray liiska wakiillada lacagaha ee aan sharciga u haysan inay ka shaqeeyaan gudaha dalka.
War-saxaafadeed uu bangigu soo saaray ayaa lagu sheegay in isticmaalka adeegyada Taaj uu khatar ku yahay nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya, isla markaana uu si toos ah uga hor imanayo shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla hay’adaha bixiya adeegyada lacagaha.
Bangiga Dhexe wuxuu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallo ballaaran oo lagu xakameynayo adeegyada lacag dirista ee aan la diiwaangelin, kuwaas oo sababi kara carqalad dhaqaale, isla markaana halis gelin kara amniga iyo kalsoonida nidaamka maaliyadeed. Waxa kale oo uu ka digay in tallaabooyin sharci laga qaadi doono shakhsiyaadka ama hay’adaha adeegsada wakiillo aan la oggolayn.






