Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah shaaca ka qaaday in baaritaan lagu sameeyay Akoonka Bankiga ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) laguna joojiyay amar Maxkamadeed shan maalin ka hor.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in SJS ay diiwaan gelinta xisaabaadka u adeegsatay shati been abuur ah oo lagu eedeeyay dambiyo la xiriira xeerka ciqaabta dalka iyo sharciga warbaahinta.
"Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirsan Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS), loona adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah" ayaa lagu yiri, bayaanka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha





