Muqdisho, Soomaaliya – Xeebaha Soomaaliya ayaa weli ka mid ah meelaha ugu halista badan ee burcad-badeeddu ka hawlgasho, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Xafiiska Badaha Caalamiga ah (IMB).
Warbixinta, oo la shaaciyay shalay , ayaa daaha ka qaaday in intii u dhaxeysay 7-da Febraayo iyo 16-ka Maarso ee sannadkan la afduubay labo markab kalluumaysi ah iyo dooni (dhow), iyada oo 26 shaqaale ah la qafaashay.
IMB ayaa tilmaantay in dhacdooyinkan ay tusaale u yihiin halista sii kordheysa ee burcad-badeednimada Soomaaliya, taasoo weli khatar ku ah marin-biyoodka muhiimka ah ee Geeska Afrika.
Warbixintu waxay sidoo kale muujisay koror ku dhow 35% marka la barbar dhigo dhacdooyinka sanadkii hore, iyadoo la diiwaangeliyay 45 weerar oo ah burcad-badeednimo iyo tuugo hubeysan oo ka dhacay badaha inta u dhaxeysa Janaayo iyo Maarso 2025.





