Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa u yeertay safiirka Denmark ee Soomaaliya, Steen Sonne Andersen , iyada oo ku eedeysay inuu ku xadgudbay midnimada iyo madaxbannaanida dalka.
Safiirka oo ka mid ahaa diblomaasiyiintii dhawaan booqday Hargeysa ayaa lagu eedeyay inuu Somaliland ku tilmaamay "Dal" taas oo ka careysiisay mas'uuliyiinta Soomaaliya iyada oo dhalisay in loo yeero, si arrimahaas wax looga waydiiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi, oo hadal ka jeediyay xafladda xiritaanka barnaamij tababar loo sameeyay safiirro cusub, ayaa sheegay in qaar ka mid ah safiirrada shisheeye ay booqdeen magaalada Hargeysa si ay ula socdaan habsami u socodka doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Somaliland, iyaga oo aan si cad u sheegin dalalka ay wakiilka uga yihiin Soomaaliya, marki ay la hadleen warbaahinta.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in mowqifka dowladda federaalka ee doorashooyinka ka dhacay Somaliland uu yahay mid aan mugdi ku jirin, isaga oo ku tilmaamay doorasho ay qabsadeen dad Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in dowladda aysan aqbali doonin habdhaqanka safiirrada qaarkood oo qarsoodi ka dhigaya wakiillanimadooda marka ay ka hadlayaan arrimaha qaranimada iyo midnimada.





