Muqdisho (Dawan)- Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo maanta war kasoo saaray xaaladda ka taagn Geeska Afrika ayaa sheegay inay waajib tahay difaaca madax banaanida dalka iyo dhowridda midnimada umadda Soomaaliyeed.
Culimadu waxay sidoo kale ugu baaqeen dhamman qeybaha kala duwan ee bulshada sida: dhaqanka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, dumarka iyo dhalinyarada in ay u midoobaan difaacida diinta iyo dalka kana fogaadaan wax kasta oo kala dhantaali kara midnimada iyo wadajirka umadda Soomaliyeed.
Waxa ay culimadu digniin u direen dad ay ku tilmaameen inay ku howlanyihiin kicinta, kala qeybinta, iska horkeenka bulshada iyo dacaayadaha dhiileysan ee la isku marinaayo baraha bulshada.
Dhanka kale, Culimadu waxay dowladda ugu baaqayeen in ay abuurto jawi ay ku wada hadlaan dadka qaba tabashooyinka si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed



