LAASCAANOOD (Dawan ) – Xildhibaannada Dowlad-goboleedka Woqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa maanta dooranaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka shanta sano ee soo socota, iyadoo doorashadu ka dhaceyso magaalada Laascaanood.
Waxaa dooranaya 83 xildhibaan oo Golaha Wakiillada ah , taas oo noqonaysa tallaabadii ugu dambeysay ee dhismaha hoggaanka maamulka cusub. Golaha Wakiillada ayaa laftiisu lagu soo doortay bishan, iyada oo loo maray hab doorasho dadban oo ka dhacay deegaannada Laacaanood.
Laamaha amniga ee Laascaanood ayaa xalay ku dhawaaqay bandow soconaya laga bilaabo saqdii dhexe ilaa 6:00 galabnimo maanta, iyadoo lagu xaddiday dhaq-dhaqaaqa gaadiidka shacabka. Waxaa ka reeban oo keliya gaadiidka ciidamada iyo kuwa howlaha doorashada u xilsaaran.
Wareegto uu soo saaray Guddiga Doorashada 28-kii Agoosto 2025 ayaa lagu xaqiijiyay in shan musharax ay u taagan yihiin xilka Madaxweynaha, halka shan musharax oo kale loo diiwaangeliyay xilka Madaxweyne ku xigeenka.





