Muqdisho (Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda federaalka kana soo jeeda gobollada Waqooyi Bari iyo Awdal, ayaa Sabtidii shir ku yeeshay caasimadda Muqdisho, iyaga oo si cad u diiday aqoonsiga Somaliland, kuna adkeeyay carrabka in midnimada dhuleed ee Soomaaliya tahay arrin lama taabtaan ah.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee ka jirta gobollada waqooyi iyo waxa ay ku tilmaameen khataro amni iyo faragelin shisheeye oo kusoo kordhay, kuwaas oo ay sheegeen inay si toos ah u wiiqayaan midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bayaan ka soo baxay kulanka ayaa dib u milicsaday taariikhda xornimada iyo midnimada dalka, iyada oo la xusuusiyay in sanadkii 1960 ay si ikhtiyaari ah oo aan shuruud lahayn u midoobeen dhulalkii hore loogu kala yaqaanay British Somaliland iyo Italian Somaliland, laguna aas-aasay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Xildhibaannadu waxay carrabka ku adkeeyeen in aanay jirin qayb ka mid ah Soomaaliya oo si gaar ah ama sharci ah ay u aqoonsadeen beesha caalamka.
Xildhibaannada ayaa sheegay in gobollada waqooyi ay ka jiraan duruufo iyo maamullo kala duwan, iyaga oo xusay in shanta gobol ee waqooyiga — Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sanaag iyo Sool — aysan wada qaadan aragti mideysan oo ku saabsan gooni-u-goosad. Waxay tilmaameen in gobollada Sool, Sanaag iyo koonfurta Togdheer (Buuhoodle) ay hoos yimaadaan maamulka Waqooyi Bari ee Dowladda Federaalka, halka Awdal ay ka taagan yihiin diidmo ku aaddan waxa ay ku sheegeen caburin iyo khilaafaad ka jira maamulka Hargeysa.




