Jadwalkan wuxuu kusoo aadayaa xilli baarlamaanka Soomaaliya uu maanta meelmariyay xeerka dhisidda guddiga doorashooyinka qaranka, taas oo muujinaysa in labada dhinac ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ay kala qaadeen laba waddo oo iska soo horjeeda. Tilaabadan waxay sidoo kale muujinaysaa kala fogaanshaha labada dhinac, iyadoo Jubaland ay noqotay dowlad-goboleedkii labaad ee xiriirka iyo wada shaqeynta u jara dowladda federaalka, kadib Puntland.
Sidoo kale, arrintan waxay daaha ka rogeysaa in guddigii dhexdhexaadinta ee Kenya ka yimid ay ku adkaatay inay qaboojiyaan khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Falanqeeyayaasha siyaasadda waxay aamisanyihiin in tilaabooyinka labada dhinac ay horseedi karaan kala dhantaalidda midnimada Soomaaliya iyo carqaladaynta dadaalladii dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladnimo loo dhan yahay.