Muqdisho (Dawan)- Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii kumeel gaarka ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeyay Dowladda in ay ka dambeysay in Warbaahinta Qaranku joojiso baahinta hadalkii uu maanta ka jeediyay Golaha Baarlamaanka.
Halkaan hoose ka akhriso War-saxaafadeed arrintaas ku saabsan uu Xisbigu soo saaray;
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu cambaaraynayaa falka kali-talisnimada ah ee hay’adda fulintu ku amreen Telefishinka Qaranka in ay ka joojiyaan tabinta tooska ah isla markaasna ka saaraan Khudbada Madaxweynihii hore Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka jeediyay Baarlamaanka, maanta oo ay taariikhdu tahay 19/02/2024 , halka xildhibaanada kale ay toos u tabinayeen.






