Hargeysa - Xisbiga KULMIYE ayaa eedeyn culus u jeediyay xisbiga WADDANI ee talada haya, isagoo ku dhaleeceeyay difaac la’aanta cilaaqaadka Somaliland la leedahay Taiwan, maareyn liidata ee arrinta maxaabiista dagaalka Laascaanood, iyo xadgudubyo lagu hayo xoriyadda saxaafadda.
Shir ballaaran oo uu shalay ku qabtay xarunta dhexe ee Hargeysa, ayuu KULMIYE uga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland. Shirkan oo ay ka qeybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga, ayaa lagu falanqeeyey arrimo badan.
KULMIYE wuxuu si adag u cambaareeyay sida uu xisbiga WADDANI ee talada haya uga gaabiyay difaaca cilaaqaadka Somaliland la leedahay Taiwan. Xisbiga ayaa sheegay in xiriirkaas uu ahaa mid salka ku haya siyaasaddii xukuumaddii KULMIYE, isagoo ku tilmaamay "guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah."
Wuxuu xisbiga si gaar ah u dhaleeceeyay in aan jawaab laga bixin weerarrada siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday safaaradda Taiwan ee Hargeysa, isagoo ugu baaqay xisbiga WADDANI ee talada haya inuu ilaaliyo maslaxadda Somaliland iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.
“Waxaa looga fadhiyaa xisbiga WADDANI ee talada haya inuu ilaaliyo danaha iyo masaalixda dowladaha aan saaxiibka nahay, intaan la gaarin in laga shaqeeyo ictiraafka loo diray,” ayaa lagu yiri shir jaraa’idka.





