Muqdisho (Dawan)- Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo maalmihii ugu dambeeyay ay cirka isku shareertay xaaladda gobalka.
Waa markii ugu horeysay ee uu Gebeyehu booqasho ku tago Soomaaliya tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kahor inta uusan noqon Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya intii u dhaxeysay 2016 iyo 2019, waxa uu sidoo kale madax kasoo noqday wasaaradda Gaadiidka intii u dhaxeysay 2012 iyo 2016.
Sida aan wararka ku helnay Workneh Gebeyehu waxa uu kulamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa Soomaaliya, si looga wada hadlo xaaldda ka taagan gobalka iyo sidii looga wadashaqayn lahaa xasiloonida Geeska Afrika.






