Jigjiga, Itoobiya – Xubno sheegtay inay yihiin Golaha Dhexe ee Ururka Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa doortay C/kariin Sh. Muuse (Qalbi Dhagax) inuu noqdo guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee ururka, kaddib markii xilka ay qaadeen guddoomiyihii hore, C/raxmaan Sh. Mahdi (Maadey).
Doorashadan ayaa timid intii uu socday maalintii labaad ee kalfadhiga xubnahan sheegtay inay yihiin Golaha Dhexe ee ONLF oo ka socda magaalada Jigjiga, xarunta gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay shirka, C/kariin Sh. Muuse oo ahaa guddoomiye ku-xigeenka ururka ayaa xilka hayn doona ilaa laga qabto shirweynaha guud ee ONLF.
Sida lagu xusay warsaxaafadeedka, xilka ayaa looga qaaday C/raxmaan Sh. Mahdi Maadey, kaddib markii lagu eedeeyay “xil gudasho la’aan,” “ku xad-gudubka go’aamada ururka,” iyo “halis gelin nabadda iyo nolosha xubnaha ururka,” iyadoo lagu sheegay in uu si keligiis ah dagaal ugu dhawaaqay.
Xubnahana Golaha Dhexe ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ururku aanu waxba ka beddelin mowqifkiisa ku aaddan heshiiskii nabadeed ee 2018 dhexmaray ONLF iyo dowladda Itoobiya, heshiiskaas oo lagu tilmaamay mid horseeday nabad iyo xasillooni ka jirta deegaanka Soomaalida.



