Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Arbaca ah ku riday xukun dil ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa'uud oo lagu helay inuu geystay fal dambiyeedki ay ku dhimatay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, kadib markii uu dab qabadsiyay.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo badhigay caddeymo kala duwan oo dhammaantood muuniyay in Sayid Cali yahay dembiilihii geystay falka ay ku dhimatay Marxuumad Luul Cabdicasii.
"Maxkamaddu markii ay aragtay oo ay dhegaysatay eedda iyo caddeymaha uu soo bandhigay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxay eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaastii Luul Cabdicasiis" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka kadib xukumka Maxkamadda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in racfaan u furanyahay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda.
Abuukaate Cali Xalane oo u doodaye eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doona xukunka dilka ee ay Maxkamadda soo saartay.





