Muqdisho (Dawan)-Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel mariyay Heshiisyo is af-garad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
"Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ee uu goluhu meelmariyey, ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah" ayaa lagu yiri qoraal kasoo xafiiska ra'iisul wasaaraha kadib kulanii Khamiislaha ee Golaha wasiirada.
Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii iyo dagaaladii ugu danbeeyey ee ay ciidamdu la galeen xoogaga Al-shabaab.





