Morocco (Dawan)- Xulka kubadda cagtaa ee Qaranka Soomaaliya ayaa guul darro kala kulmay dhiggiisa Niger, kadib kulan saaxibtinimo oo galabta ku dhex maray garoonka Berrechid Municipal Stadium ee dalka Morocco oo hadda u ah Guriga (Home) Xulka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa looga badiyay 3 iyo 0, waxaana ka muuqatay in ciyaartooyda Soomaaliyeed aysan isla jaan qaadin weli, maadaama uu yaraa waqtiga ay wada qaateen.
Macallinka iyo ciyaartooyda ayaa looga fadhiya in ay wax ka beddelaan qaab ciyaareedkooda kulanka soo socda ee ay la ciyaari doonaan xulka Sierra Leone ( 17october).
Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dadaal badan ku bixiyay, sidii Qaranka Soomaaliya u ciyaari lahaa kulamo saaxibtinimo, kuwaas oo muhiim u ah diyaargarowga ciyaaraha isreeb-reebka koobka Adduunka 2026.



