Kampala (Dawan)- Xulka Soomaaliya ayaa maanta ciyaaraya kulanka kowaad ee tartanka Cecafa U-15 oo sannadkaan lagu qabanayo dalka Uganda, waxeyna ka hortegi doonaan xulka Tanzania.
Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada Cagta, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay in xulka Soomaaliya ee U-15 uu guul taariikhi ah kaso hooyn doono cayaaraha da’yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.
“Soomaaliya waxa ay xoogga saareysa dhallinyarada iyo in kubbadda cagta hoos laga soo dhiso, xiriirkuna mar kasta waa ku xisaabtamayaa cayaaraha da’yarta oo aan ognahay in kuwii ka dhacay Asmara ay Soomaaliya ka gashay meel wanaagsan, halka tartankii U-17 ee ka dhacay Addis Ababa ay Soomaaliya ku guuleysatay” ayuu yiri Cali shiine.
Kulanka labaad waxaa xulka Soomaaliya ay iska hor imaan donaan dhiggooda Zanzibar 8-da bisha.







