Yemen (Dawan)- Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yemen, Cabdulmaalik Al-Xuutii, ayaa sheegay in joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato Somaliland uu noqon doono bartilmaameed militari oo ay beegsan doonaan, kaddib aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland.
Khudbad uu Axaddii ka sii daayay telefishinka Al-Masirah, oo ay maamusho kooxda Xuutiyiinta, ayuu Al-Xuutii ku sheegay in ay u arkaan joogitaanka Israa’iil ee Somaliland gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana khatar ku ah amniga gobolka
“Waxaan u aragnaa joogitaan kasta oo Israa’iil ku yeelato Somaliland bartilmaameed militari oo u ah ciidamadeenna hubeysan, maadaama uu yahay gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen, kana dhigan yahay khatar amni oo gobolka ku wajahan,” ayuu yiri Al-Xuutii.
Wuxuu intaas ku daray in Xuutiyiintu ay qaadi doonaan, sida uu hadalka u dhigay dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah ee taageero si ay garab ugu istaagaan shacabka Soomaaliyeed.








