Muqdisho (Dawan)- Doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir, ayaa la filaya inay dhacdo berri oo ku beegan 25-ka Diseembar. Waxaa ku tartamaya 20 urur siyaasadeed iyo in ka badan 1,600 musharrax, kuwaas oo u taagan golaha deegaanka ee 16-ka degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Degmooyinka Kaxda, Daarusalaam, Gubadley iyo Garasbaaley ayaana ku jirin degmooyinka loo tartamayo.
Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay in tirada guud ee musharraxiinta ay gaarayso 1,604, kuwaas oo isugu jira 1,243 rag ah iyo 361 dumar ah, taasoo muujinaysa ka-qaybgal ballaaran, inkastoo ay weli muuqato farqi dhinaca jinsiga ah.
Ururka siyaasadeed ee Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa ah kan ugu musharraxiinta badan, isagoo soo gudbiyay 390 musharrax oo ku tartamaya dhammaan 16-ka degmo. Waxaa ku xiga ururrada Karaama (230 musharrax), Towfiiq (222), Sinacad (217) iyo Ramaas (215).




