Muqdisho (Dawan)— Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah ugu xaqiijisay warbaahinta Dawan in diyaaradaha dagaalka ee nooca F-16 ee dhawaan yimid Muqdisho ay leeyihiin dowladda Turkiga, balse aysan ahayn kuwo ay iska leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Dawan u sheegay in diyaaradahaasi ay si buuxda u hoos tagaan dowladda Turkiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in hadal uu hore u sheegay si khaldan loo fahmay.
“Diyaaradaha waxaa iska leh dowladda walaalaha ah ee Turkiga. Khalad ayaa loo fahmay kelmad yar oo aan shalay iri, maadaama codka marfoonka uu kala go’ay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa shalay sheegay in diyaaradaha loo keenay Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo dad badan u fasirteen in ay si toos ah u leeyihiin ciidamadaas, balse maanta uu caddeeyay in ay yihiin diyaarado Turkigu leeyahay oo taageero militari ahaan u jooga dalka.





