Garoowe (Dawan)- 66-da xildhibaan ee Baarlamaanka Maamul Goboleedkya Puntland ayaa maanta looga fadhiya in ay doortaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa hoggaamin doono Maamulkaas shanta sano ee soo socota.
Tira isla eg oo min 11 musharrax ayaa u taagan labada xil, waxaana ku jira musharrixiin hore uga soo qabtay xilal kala duwan gudaha Puntland iyo Dowladda Federaalka.
Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa horay u bixin jiray lacag dhan 20,000 oo dollarka Mareykanka ah, balse markan waxay bixiyeen 30,000 oo dollar, halka musharraxiinta Madaxweyne ku xigeennada ay bixiyeen 20,000 oo dollar.
Musharrixiinta waxaa ka mid ah Madaxweynaha talada haya ee Siciid Cabdullaahi Deni, oo loo saadaalinayo inuu mar kale xilka kusoo laaban karo. Deni waxa uu leeyahay khibrad dhanka doorashooyinka heer Maamul Gobol iyo heer Federaal, isaga oo lagu xasuusto codadkii badnaa ee uu helay tartankii ugu dambeeyay ee Madaxtinimada Soomaaliya sannadkii 2022.
C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo hore usoo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka mid ah musharraxiinta, kaas oo doonaya inuu mar labaad hoggaamiyo Puntland.



