Muqdisho (Dawan)– Jamhuuriyadda Yeman iyo Boqortooyada Cumaan ayaa si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyagoo mar kale xaqiijiyey taageeradooda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Labaduba waxay go'aanka Israa'iil ku tilmaameen mid si weyn uga hor imanaya mabaa’di’ida sharciga caalamiga iyo Dastuurka Qaramada Midoobay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Yeman ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Yeman ay ku adkaysanayso taageerada midnimada iyo xornimada Soomaaliya, iyadoo diidaysa tallaabo kasta oo dhaawici karta midnimada qaranka Soomaaliya. Bayaan-ka ayaa sidoo kale cadeeyey in Sana’a ay diidayso inuu aqoonsi , heshiis, ama iskaashi ka dhaxeeyo maamulka Israa’iil iyo qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, iyadoo arrimahan loo arko jebin cad oo sharciga caalamiga ah.







