Sanca – 30 Diseembar 2025 (Dawan)- Dowladda Yemen ayaa ku dhawaaqday inay laashay heshiiskii wadajirka ahaa ee difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kalena ku amartay dhammaan ciidammada Imaaraadka inay ka baxaan dhulka Yemen muddo 24 saacadood gudahood ah.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Imaaraadku uu diyaarado hub siday u diray ciidamada Golaha Kumeelgaarka Koonfureed ee ka dagaallama koonfurta Yemen, kuwaas oo si cad uga soo horjeeda dowladda la aqoonsanyahay ee Yemen.
Guddoomiyaha Golaha Hoggaanka Yemen, Rashaad Al-Caliimi, oo go’aanka ku dhawaaqay, ayaa si adag u sheegay in aan la aqbali karin joogitaanka ciidamo shisheeye oo sharci-darro ah.
“Dhammaan ciidammada Imaaraadka waa inay si degdeg ah uga baxaan dhulka Yemen 24 saacadood gudahood,” ayuu yiri Al-Caliimi.







