Muqdisho, 14 December 2025 (Dawan)- Midowga Yurub ayaa la filayaa inuu bilowga sanadka 2026 si rasmi ah ugu dhawaaqo maalgelinta Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kadib muddo labo sano ah oo uu ka gaabsaday kaalinta dhaqaale ee tooska ah, sida ay muujinayaan dukumentiyo iyo ilo diblomaasiyadeed oo la xiriira Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa wargeyska East African u sheegay in Brussels ay ka go’an tahay sii wadista taageerada howlgalka Soomaaliya, balse faahfaahinta xirmada maalgelinta oo ay ku jirto qadarka lacagta, muddada ay soconayso, iyo habka bixinta la shaacin doono marka 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ka heshiiyaan xirmada guud.
“Waxaa naga go’an in la hubiyo sii wadista taageerada Midowga Yurub. Qaabka saxda ah ee taageerada ayaa lagu dhawaaqi doonaa marka xirmada taageeradu dhammaato,” ayuu afhayeenku yiri.
Dukumentiyo la xiriira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamaya in Midowga Yurub la filayo inay ku dhawaaqo maalgelinta AUSSOM horraanta 2026, taas oo loo arko calaamad muujinaysa in Midowga Yurub uu dib ugu soo laabanayo kaalintii uu hore uga hayay ee taageerada maaliyadeed ee howlgalka.


