Muqdisho, 22 Janaayo 2026 (Dawan)- Midowga Yurub ayaa Arbacadii ugu baaqay isbahaysiga mucaaradka Soomaaliya inay aqbalaan casuumaadda Dowladda Federaalka ee ku aaddan ka-qeybgalka madal wadatashi qaran, isaga oo ku boorriyey in la galo wada-hadal loo dhan yahay si xal looga gaaro ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka.
Baaqan ayaa yimid xilli Midowga Yurub uu soo dhaweeyay casuumaadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si ay uga qeybgalaan madal wadatashi qaran oo la filayo inay ka furanto Muqdisho 1-da Febraayo.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in "wada-hadal loo dhan yahay, oo lagu gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin ka hor inta aysan dhammaan muddooyinka dastuuriga ah ee hay’adaha jira, inuu yahay mid lama huraan u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya"
Waxay intaa ku dartay in Midowga Yurub uu rajeynayo wada-hadallo miro-dhal ah, isla markaana uu ku dhiirrigelinayo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed inay si togan uga jawaabaan casuumaadda dowladda.
Horaantii toddobaadkan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu casuuntay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah isbahaysi mucaarad oo ay ku mideysan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyo siyaasiyiin dalka horay uga soo qabtay xilal sare , inay ka qeybgalaan shirka wadatashiga qaran ee la filayo inuu ka furmo caasimadda.






