Zambia (Dawan)- Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu kusoo dumay god ay ka qodayeen macdan Koonfur-galbeed ee Zambia.
Dhibaatadan ayaa ka dhacday degmada Mumbwa maalintii Isniinta.
"Intii ay ku guda jireen howlahooda macdan qodista, ayuu godku kusoo dul dumay" sidaas waxaa warbaahinta la wadaagay Boliiska dalkaas.






