Saturday, July 27, 2024

UN-ka oo war kasoo saaray diyaarad maanta ku dhacday Ceel Barde

Bakool (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Xafiiska Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaarad u shaqeysa Qaramada Midoobay ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Ceel Barde ee Gobolka Bakool.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay u daabuleysay Hay’ada Cunada Aduunka (WFP ) gargaar bini aadantinomo, kadibna ay ka baxday marka ay degeysay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Xafiiska Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa uu xaqiijiyay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale, waxa uuna tacsi u diray qoyska qofka geeriyooday.

Xafiiska ayaa ballan qaaday in baaritaan lagu sameyn doono sababta keentay shilka iyada oo la kaashan doono Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.

Isbuuc ka hor ayay ahayd markii diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay ay si lama filaan ah ugu degtay deegaan ay ka taliyaan Al-shabaab.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maamul Gobleedka Galmudug ayaa sheegay in Diyaaraddu ay kasoo duushay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kuna ku sii jeedday deegaanka Wisil, balse ay si lama filaan ah ugu degtay deegaanka Xiin-dheere kadib markii ay cellad ku timid.

Sida la sheegay Diyaaradda ayaa dawo u wadday Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee Wisil, waxaana saarnaa todobo qof oo isagu jira Soomaali iyo ajaanib.

Dhacdadaan kadib ayay Dowladda Ukraine sheegtay in muwaadiniin kuweeda oo la shaqeynayay Qarmada Midobaay in ay gacanta ku galeen kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta meesha ay ku dambeeyeen dadkii saarnaa diyaaradda nolol iyo geeri.

Lix sano ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale, Diyaarad ay ku dhacday deegaan ku dhaw Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/hoose oo ay ka talinayeen Al-Shabaab.

Bishii July ee sannadkii 2021-kii, diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan ATMIS ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, inkasta oo aan la sheegin khasaraha ka dhasahy shilka diyaaradda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here