Saturday, July 27, 2024

Pakistan: In ka badan 20 qof oo ku dhimatay qarax lala beegsaday xero ciidan

Islamabad (Dawan)- Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen – maanta oo Talaado ah – weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla waqooyi-galbeed Pakistan.

Mas’uuliyadda qaraxa waxaa sheegatay koox xiriir la leh Daalibaanka Pakistan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa saraakiisha ammaanka ayaa sheegtay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Pakistan, iyagoo watay gaari xamuul ah.

Labada mas’uul ee ammaanka ayaa intaa ku daray in weerarka uu ka dhacay deegaanka Dera Ismail Khan oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, kaas oo ku yaalla duleedka deegaannada qabaa’ilka ee ka baxsan gacanta dowladda ee xadka Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee France-Presse, “Dad badan ayaa la dilay iyagoo hurda, waxa ayna xirnaayeen dhar rayid ah, sidaas darteed waxaan wali isku dayeynaa inaan ogaano in dadka dhintay ay dhamaantood ahaayeen ciidan.”

Kooxda Xarakada Jihaad ee xiriirka la leh Daalibaanka Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Ciidamada Pakistan kama bixin faahfaahin dheeraad ah weerarka.

Kanaalka Pakistan ee ​​Geo News oo soo xiganaya booliska ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay dileen 3 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday .

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah ee Pakistan Anwaar-ul-Haq Kakar  ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay dowladdiisa in ay sii waddo dadaallada ay ku ciribtirayso argagixisada iyo kooxaha xagjirka ah .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falalka noocaan oo kale ah aysan niyad jabin karin ciidamada u taagan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Kooxda Daalibaan Pakistan oo soo if-baxday 2007 ayaa ka ah Koox ka duwan Daalibaanka xukuma Afghanistan.

Daalibaan Pakistan waxay dileen tobanaan kun oo isagu jira dad rayid ah iyo ciidamada amaanka Pakistan wax ka yar 10 sano.
Hawlgal militari oo bilaawday 2014-kii ayaa horseeday in kooxdaan laga eryo dhanka xuduudka buuraleyda ah ee Afghanistan, taas oo qeyb weyn ka qaadatay soo celinta amniga iyo xasiloonida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here