Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo dunida oo kawada hadlaya qorshaha amniga

New York (Dawan)- Dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowladaha dunida ee Soomaaliya u caawiya sida joogtada ayaa lagu wadaa in ay maanta ku shiraan magaalada New York ee dalka Mareykanka si ay uga wada hadlaan qorshaha amniga Soomaaliya kadib ka qaadistii cunaqabateynta hubka ee muddo saarneed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaan oo ay ka mid yihiin wasiirka Difaaca iyo Lataliyihiisa dhanka amniga ayaa ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaana shirka guddoomin doona Madaxweyne Xasan sida ay baahisay Warbaahinta rasmiga ee Dowladda.

Shirkaa ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan wakiilo ka kala socda 26 dal, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, iyo Midowga Afrika, waxaana lagu lafa guri doona Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya, Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka, sida ay sheegtay Villa Somalia.

“Dowladda Soomaaliya ayaa shir looga hadlayo amniga Soomaaliya ku qabaneysa xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Wada xaajoodyadaan muhiimka ah waxaa looga hadlayaa horumarka iyo caqabadaha dib u dhiska hay’adaha amniga, kala guurka ATMIS, qorshayaasha u degsan hay’adaha amniga Soomaaliya marka ay la wareegaan amniga dalka, iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada cusub ee la xoreeyey” ayuu yiri C/qaadir Cali Dige. Afhayeenka Villa Somalia.

Da’ud Aweis Jama, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa ku nuux nuuxsaday in hadafka koowaad ee shirka uu yahay fududeynta horumarinta istaraatiijiyado cusub oo kor loogu qaadayo xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka, ayaa xusay in shirkan uu yahay madal ay Laamaha amniga Soomaaliya ay kula wadaagi karaan saaxiibada caalamka horumarada ay ka gaareen xasilinta iyo caqabadaha ku hor gudan.

“Waxaan casuumnay 25 waddan iyo saddex urur oo caalami ah sida Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Jaamacadda Carabta oo mar walba garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya Shirkaan waxaan kula wadaagi doonaa qorshayaasheena , waxaana ka codsaneynaa inay gacan ka geystaan sidii loo xoojin lahaa ciidamadeena marka ay ATMIS ka baxdo dalka” ayuu yiri, Xuseen Sheekh Cali.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kowadii bihaan December u codeeyay in Soomaaliya laga qaado xayiraaddii iyo cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo ka badan 30 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here