Saturday, July 27, 2024

Ruto: Kenya looma soo qaadan doono fiiso laga bilaabo Janaayo 2024

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa maanta ku dhawaaqay in dawladiisu ay go’aansatay in la baabi’iyo shuruudaha fiisaha, iyada oo dhammaan dadka caalamku soo geli karaan Kenya fiiisa la’aan laga bilaabo Janaayo 2024.
Hadalkaan ayuu ka sheegay intii lagu guda jiray dabaal degga munaasabadda “Jamhuri Day”. ee xuska 60-guuraddii kasoo wareegtay markii Kenya ay xornimada ka qaadatay Gumeystihii Ingiriiska taas oo la xuso 12 bisha December sannad kasta.

Ruto ayaa sheegay in go’aan uu salka ku hayo qorshaha isku furnaanta caalamiga ah si loo dardargeliyo horumarka dhaqaale ee dalka.

“Laga bilaabo Janaayo 2024, Kenya waxay noqon doontaa dal aan fiisa loo soo qaadanayn. Ma ahan in qof kasta oo doonaya inuu Kenya yimaado inuu dareemo culeys iyo shuruudaha fiisaha” ayuu yiri Ruto.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in si loo dhaqan geliyo siyaasaddaan cusub, in la sameeyay qalab casri ah oo lagu hubinayo dhammaan dadka soo gelaya Kenya.

Ruto ayaa intaas ku daray in marka la hubiyo qofka uu isla marki heli doono oggolaanshaha dal ku galka ah qaab elctronic ah.

Madaxweynaha Kenya Ruto ayaa ku caan baxay u ololeynta in la isku furo xuduudaha dalalka Afrika, isago oo dhowr jeer ku baaqay in fiisaha la baab’iyo.

Kenya ayaa noqonaysa dalkii labaad ee qaarada Afrika ah oo xuduudeeda u furta dadka soo booqanaya, halka ay dowladda Rwanda ay ku dhawaaqday November 3, 2023, in dhammaan Afrikaanku ay si fiisa la’aan ah ku geli karaan.

Kenya ayaa hore ugu dhawaaqday in muwaadiniinta Indonesia laga dhaafay shuruudihii fiisaha ka dib wadahadal laba geesood ah uu Ruto la yeeshay hogaamiyaha dalka dhaca Koonfur Bari Asia, Joko Widodo 21-kii August.

Dalalka Senegal iyo Congo ayaa hore kula heshiiyay Kenya qorshaha fiisa la’aanta halka Comoros lagu waday inay qalinka ku duugto heshiis kan la mid ah oo ay la gasho Kenya dhamaadka sannadkaan.

Go’aanka Ruto waxaa sidoo kale taageeray madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua oo sheegay in tillaabadani ay gacan ka geysan doonto in qaaradda laga xoreeyo caqabadaha soo jireenka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here