Saturday, July 27, 2024

SMSJ: Magacaabista hal dhinac ee Golaha Warbaahinta waa wax aan la aqbali karin

Muqdisho (Dawan)- Dalladda Badbaadada Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SMSJ) oo ah shabakad ay ku mideysan yihiin toddobo urur saxaafadeed ayaa si weyn uga soo horjeesatay anisixita Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay SMSJ ayaa lagu sheegay in hannaanka loo maray magacaabista Golahaan uu yahay mid hal dhinac ah oo gebi ahaanba ah gaar u ah dowladda, waxaana lagu sheegay war-saxaafadeedka in dhammaan xubnaha golaha cusub ee warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ay yihiin shaqaale dowladeed.

Warbaahinta Dawan ma xaqiijin karto in dhammaan xubnaha ku jira Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ay yihiin shaqaale dowladeed

 “Waa nasiib darro, hannaanka looma soo marin habraacii sharciga ahaa ee looga baahnaa in wadatashi horudhac ah lala yeesho dhinacyada ay khusayso warbaahinta sida ururada warbaahinta madaxa bannaan, ururrada bulshada rayidka ah iyo warbaahinta dawladda” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka SMSJ

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray, in Dalladda Badbaadinta Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SMSJ), ay u soo jeedinayso dowladda Soomaaliya inay dib u eegis ku sameyso oo ay ka laabato magacaabista golahan iyada oo aan awood loo sheeganin cid kasta oo qayb ku leh dhismaha Golaha warbaahinta Somaaliyeed. 

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay Khamiisti magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

Xubanaha guddiga oo ay soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;

  1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
  2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil
  3. Muna Cumar Xasan
  4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal.
  5. Axmed Maxamed Cabdi⁠
  6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠
  7. Hinda Daahir Jaamac
  8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
  9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid

    Muxuu yahay Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed?

    Qodobka 14-aad ee Xeerka Warbaahinta, waxa uu dhigaya in la dhiso Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed oo ah Gole Madax-bannaan oo aqoon u leh Warbaahinta iyo shuruucda dalka u yaal.

    Tirada Goluhu waxay noqonaysaa 9 (Sagaal) Xubnood oo ka kala imaanaya:
    B) Warbaahinta Dawladda 3 xubnoodo, oo ugu yaraan midi ay dumar tahay
    T) Warbaahinta gaarka ah 3 xubnood
    J) Ururrada bulshada rayidka ah:- 3 xubnood oo ka kala imaanaya: Guddiga Xuquuqul Insaanka, Ururka Haweenka iyo Ururka Qareennada Soomaaliyeed.

    Golaha Warbaahinta Soomaliyeed waxaa xubin ka noqon kara aqoonyahan iyo xeeldheereyaal Warbaahineed lagu xulay waayo-aragnimo, karti, daacadnimo iyo hufnaan

    Golaha waqtigiisu wuxuu noqonayaa 3 sano oo loo cusbooneysiin karo hal mar oo
    kaliya haddii loo baahdo.

    Maxay tahay Mas’uuliyadda Golaha?

    Mas’uuliyadda Golaha waxaa ka mid ah:

    1- Ilaalinta anshaxa Wariyeyaasha ka shaqeeya Warbaahinta iyo ku dhaqanka xeerka Wabaahinta Soomaaliyeed
    2- Xallinta khilaafaadka ka dhasha ku dhaqanka xeerkan.
    3- Dhexdhexaadinta iyo xallinta gefafka laga tabanayo Warbaahinta dawladda iyo tan gaarka ah, marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah.
    4- Abaalmarinta iyo anshax marinta Wariyeyaasha, tifaf-tiraha iyo mas’uuliyiinta xarumaha Warbaahinta.
    Goluhu wuxuu ilaalinayaa standardka iyo horumarinta aqoonta wariyeyaasha iyo warbaahinta
    5- Ka tala bixinta, siinta iyo kala noqoshada rukhsadaha hay’adaha warbaahinta
    6- Xallinta cabashooyinka ka yimaada Wariyeyaasha, warbaahinta, hay’adaha kale iyo bulsho weynta marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah.
    7- Diyaarinta iyo u gudbinta wasaaradda miisaaniyadda Golaha
    8- xarunta Goluhu waa caasimada Muqdisho, waxayna xarumo ku yeelanaysaa magaalo madaxyada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here