Friday, July 26, 2024

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Boliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in seddex qof ay dhinteen labo kalena ay dhaawacmeen kadib markii ruux isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad ku taal Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

“Aabaaro 11:40Am, ayaa qof naftii haligaa isku qarxiyay banaanka hore ee makhaayada Alhindi. Qasaaraha ka dhashay, ayaa ah Dhimasho 3 iyo Dhaawaca 2 qofood oo goobta ka dhawaa” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Boliiska.

Maqaayadda uu qaraxu ka dhacay oo lagu magacaabo Al-Hindi ayaa ku taal meel u dhaw Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Hoose.

Dhanka kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyada oo tilmaamtay in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan Nabad sugidda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradaha, sida ay baahisay Warbaahinta ka ag dhaw.

Boliiska Soomaaliya ayaa sheegay in goobta ay wax ka dhacayn uu ka socdo baaritaan, amrka la soo dhameynaya laga bixin doono faahfaahin dheeraad ah.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa ahaa maalmihii lasoo dhaafay mid ka wanaagsan sidii hore iyada oo ay yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysanaa ee ka dhci jiray gudaha Magaalada, taas oo la sababeynayo ciidamada tirada badan oo ku sugan waddooyinka iyo xaafadaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here