Saturday, July 27, 2024

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Mandheera

Mandheera (Dawan)- Ugu yaraan laba Boolis ah ayaa ku dhintay fiidnimadii Axadda, lix kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii miino dhulka lagu aasay ay la kacday baabuur ay saarnaayeen.

Booliska Kenya  ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, waxayna sheegeen in qaraxa lala beegsaday saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska  oo ku sii jeeday magaalada Mandheera.

Warbixin kasoo baxday Booliska ayaa lagu sheegay  in hal askari ku geeriyooday  isla goobta uu qaraxa ka dhacay, halka midka labaadna uu dhintay markii la geeyay isbitaalka.

warbixinta yaa intaas ku dartay in laba ka mid ah lixdii dhaaawacantay ay xaaladoodu aad u liidato, una baahanyihiin la tacaalid gaar ah .

Falalka argagixisada ee ka dhici jiray gobolada Waqooyi-Bari Kenya ayaa hoos u dhacay kadib markii la xoojiyay wada shaqeynta ka dhaxeysa dadka deegaana iyo ha’ayadaha amniga .

Weerarada Al-Shabaab ayaa saameyn  ku yeeshay nidaamka waxbarashada iyada oo macallimiinta aan Soomaalida ahayan iska diideen  inay dib u bilaabaan shaqadooda iskuullada ku yaala Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa.

Waqooyi-Bari, waxay noqotay meel lagu beegsado macallimiinta aan deegaanka u dhalan, umana socdo” ayuu yiri mid ka mid ah macallimiintii ka shaqeyn jirtay oo dalbaday in loo beddelo gobol kale.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa beeniyay in si gaar ah loo beegsado macallimiinta kasoo jeeda gobolada kale, waxeyna caddeeyeen in loola dhaqmo si xushmad iyo qaddarin leh.

Maxamed Caddow oo ah xildhibaan  laga soo doorto koonfurta Wajeer ayaa sheegay in macalimiin yarida jirta lagu xallin karo oo kaliya in la shaqaaleysiiyo macalimiinta deegaanka.

“Arrinta kaliya ee lagu xallin karo dhibaatada macalimiinta ee gobolka Waqooyi-Bari waa in la tababaro lana shaqaaleysiiyo macallimiinta deegaanka” ayuu yiri, xildhibaan Maxamed Caddow.

Weerarada Al-Shabaab ee gobolka Waqooyi-Bari ayaa wax ka beddelay qorshihii ay  dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ku doonayeen  in dib loogu furo xudduudda labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here