Saturday, July 27, 2024

Sannad dugsiyeedka waxbarasho ee Jabuuti oo billaawday

Jabuuti (Dawan)-Sannad dusgisyeedka waxbarasho 2023-2024 ayaa si rasmi ah uga billaawaday guud ahaan gobolada dalka Jabuuti, iyada in ka badan 162 kun oo arday ay dib ugu laabteen dugsiyada Hoose-Dhexe, sida ay wasaaradda waxbarashada dalkaas xaqiijisay.
Maamuladda, Macalliminnta iyo howlwadeenada kale ee ka shaqeeya goobaha waxbarasho ayaa si diiraan usoo dhaweeyay ardayda, iyaga oo u rajeeyay in sannadkaan u noqdo mid ay waxbadan oo aqoon ah kororsadaan.
Wasaaradda waxbarashada Jabuuti ayaa sannadkaan hirgelisay 12 dusgi oo cusub kuwaas oo laga dhisay magaalooyinka kala duwan ee dalka, waxaana sidoo kale dayactir iyo dib u qalabeyn lagu sameeyay dugsiyo kale.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sannadakaan xoojisay hannaaka waxbarshada ardayda qaba baahiya gaar ah, iyada oo la kaashaneysa khubaro ka socda dalka Cuba kuwaas oo ku takhasusay sida wax loo baro carruurta qaba baahiya gaar ah.
Wasaaradda Waxbarashada jabuuti ayaa dadaal badan ku bixisay sannadkaan tayeynta qaabka waxbarasho, waxaana tababaro loo sameeyay maamulayaasha iyo macallimiinta kala duwan ee wax ka dhiga dusiyada.

Dowladda Jabuuti oo fulineysa qorshaha lagu baahinaayo waxbarshada ayaa u fududeysay muwaadiniinta deggan meelo ka fog magaalooyinka in carruurtoodu helaan waxbarasho, waxaana loo qeybiyay dareeska dusgsiyada iyo agabka waxbarashada.
Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda Waxbarashada ayaa booqasho loogu kuur gelaayo sida uu sannad dusgiyaadka waxbarasho ku billlawaday ku tegay qaar ka mid ah dusgiayda Hoose-Dhexe ee magaalooyinka Jabuuti, waxeyna kula dardaarmeen ardayda inay ku dadaalaan waxbarashada, iskana ilaaliyaan wixii carqalad ku keeni kara hannaaka waxbarashadooda.
Agaasimaha Waxbarashda Asaasiga Cabdi Dirir ayaa ugu baaqay macallimiinta iyo waalidiintu inay si wada jir ah isaga kaashadaan sidii loo soo saari lahaa jiil meel fiican ka gaara waxbarashada oo mustaqabalka wax u tara dadkooda iyo dalkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here