Saturday, July 27, 2024

Qaraxii Beledweyne oo saameyn ku yeeshay habsami u socodkii Waxbarashada

Beledweyne (Dawan)- In ka badan 30 qof oo u badnaa dad rayid ah ayaa ku dhintay, halka dadka ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa sidoo kale sababay khasaare hantiyadeed, iyada oo burbur soo gaaray guryo iyo goobaha ganacsiga iyo Waxbarashada taas oo keentay in hakad ku yimaado waxbarashadii arday badan kuwaas oo dugsiyadoodi ay ku waxyeelloobeen qaraxa.

C/raxmaan Daahir Guure, Wasiirka Arrimaha Gudaha maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in qaraxu sababay burburka 300 oo guri, kaalmooyin shidaal, in ka badan 20 goob ganacsi oo ku dhow Koontaroolka uu qaraxu ku dhacay.

Wasiirka ayaa caddeeyay in Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle uu saameyn ku yeeshay amniga iyo xasiloonida magaalada Beledweyne, iyada oo ay fududaatay in qaraxyo lasoo geliyo gudaha magaalada.

C/raxmaan Daahir ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u midoobaan sidii loogu gurman lahaa dadkii dhibaatadu kasoo gaaraty qaraxa iyo ka hortagga falalka argagixisada ee lagu dhibaateynayo dadka.

Goobaha burburay waxaa ka mid ah dugsiyadii waxbarashada magaalada, waxaana jira arday badan oo ilaa maalintii qaraxu dhacay aan aadin goobahoodi waxbarashada.

Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Mujamac oo ay wax ka bartaan arday ka badan kun arday ayaa ku burburay qaraxa, taas oo keentay in ardaydu iska joogaan guryahooda.

Seddex maalmood kadib markii uu qaraxu dhacay ayaa waxaa weli guryahooda ku sugan ardaydii wax ka baranaysay Iskuulka Mujamac oo aan haysan fasalo ay wax ku bartaan.

C/llaahi Xasan Barkhadle oo ah Maamulaha Iskuulka Mujamac ayaa sheegay in ay fasaxeen ardaydii maadaama dhammaan fasaladii ay wax ku dhigan jireen waxyeeloo kasoo gaartay qaraxii dhacay Sabtidi.

Maamulaha ayaa sheegay in ku dhawaad 1,500 oo arday oo isugu jira heerarka waxbarasho ee kala duwan, laga soo bilaabo dugsi Hoose ilaa dugsiga Sare ay hakad ku timid waxbarashadoodi, taas oo saameyn ku yeelan doonta nidaamki loo qorsheeyay in ay wax ku bartaan.

Magaalada Beledweyne ayaa la daalaa dhaceysa isbadalka cimilada, iyada oo fatahaado geystay khasaaro badan ay ka dhaceen sannadihii lasoo dhaafay.

20-kii May ee sannadkaan fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa sababay in ardayadii dugsiga Sare ee magaaladu geli waayaan imtixaankii shahaadiga ahaa, waxeyna mar kale u fadhiisteen imtixaanka 2 bilood kadib.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here