Saturday, July 27, 2024

Qaraxyo lala beegsaday wasaaradda gudaha Turkiga

Ankara (Dawan)- Labo nin oo hubeysan ayaa weerar kusoo qaaday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga iyada oo sidoo kale qaraxyo laga maqlay goobta, sida ay sheegtay Al-jazeera.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa u dhaw xarunta Baaralmaanka Turkiga.
Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta u ballansanaa inuu dib u billaabo fadhiyadiisa, waxaana la qorsheynayay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu khudbad ka jeediyo furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka .

Waakaaladda Wararka Anadolu oo sii xiganeysa wasiirka arrimha gudaha ee Turkiga ayaa sheegtay in weerarka ay ka dambeeyeen laba nin, mid ka mid ahna is qarxiyay.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegay in labo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen weerarka, isaga ku tilmaamay weerar argagixiso.

Waxaa gabi ahaanba xiran xiligaan agagaarka uu qaraxa kadhacay, waxaana ay Booliska hubinayaan suurtagalnimada ah in walxaha qarxa looga tagay goobta uu weerarku kadhacay.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo weerar nuucaan oo kale ah kadhaco Turkiga, waxaana ugu dambeeyey sannadii aan soo dhaafnay ee 2022, markaas uu qarax ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taal bartamaha magaalada Istanbul, iyada oo ay ku dhinteen lix qof, halka toban kale ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkii maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Ankara uu ka dhigan yahay “Neeftii ugu dambeysay ee argagaxisada.”

Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada dalkiisa ay sii wadi doonaan halganka ay ku jiraan ilaa iyo inta laga ciribtirayo argagixisada gudaha iyo dibadda dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Cali Yerlikaya ayaa booqday labadii sarkaal ee Booliska ka tirsanaa ee ku dhaawacamay weerarka, wuxuuna ku bogaadiyay geesinimada ay muujiyeen ciidamada ku guuleystay in ay fashiliyaan falkii argagixisada ahaa ee maanta ka dhacay afaafka hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here