Saturday, July 27, 2024

Qatar oo ballan qaadday taageeridda dadaallada lagu hormarinaayo Soomaaliya

Doha (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kulnka kadib ayaa lagu yiri “ Labada Ra’iisul Wasaare ayaa wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ciribtirka Khawaariijta, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay”.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa bartiis X kusoo qoray “ kulankeygi maanta ee aan la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaan ka wada hadalnay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta naga dhaxeysa ee dhinacyada kala duwan. Waxaan mar kale ballan qaadeynaa  taageeridda  dadaallada lagu doonayo in shacabka Soomaaliyeed  lagu gaarsiiyo amni, xasilooni iyo barawaawo”.

Ra’iisul wasaaraha oo muddo 3 maalin ah joogi doona Qatar ayaa la filaya inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiin kale iyo ganacsatada dalkaas si uu ugala hadlo  maalgashiga Soomaaliya, waxaana la qorsheynaya in labada dal ay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii May ee lasoo dhaafay booqasho ku tagay Qatar, halkaas uu kula kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Xamad Al-Thani, iyagoo ka wada hadley iskaashiga iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadinta dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhax gelay.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here